Maamulka Kenya Airways oo shaaciyay 2 qodob oo DF ay isku fahmi waayeen

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qorshe ay duulimaad kaga sameyn laheyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida masuuliyiin u hadlay shirkadda ay sheegeen.

Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe dib loo dhigay qorshaha Diyaaradda ay kaga howlgali laheyd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Qorshaha ayaa ahaa bartamihii bishii lasoo dhaafay in diyaaradaasi duulimaayadeeda ay bilowdo, laakiin hadda si cad ayaa loo sheegay in ilaa amar dambe duulimaadyadaasi hakad ay ku jiri doonaan.

Sababaha ugu weyn ayaa madaxa shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz wuxuu ku sheegay inay tahay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda ay isku fahmi waayeen sharuudaha ay shirkadaasi kaga howl galayso hawada Soomaaliya.

Arinta kale ee keenay in la is fahmi waayo ayaa ah in maamulka Shirkadda ay doonayaan in duulimaadyada Muqdisho u adeegsadaan diyaarad yar oo ah Bombardier Dash 8 Q400, taasi oo la sheegay inay tayo wanaagsan aysan laheyn.

Dalalka Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa horey maamulka Shirkadda kaga diiday adeegsiga diyaaradaasi yar, taasi oo abuurtay inay isfahmi waayay maamulka shirkadda iyo dalalkaasi.

Sidoo kale arinta u baahan in xal laga gaaro ayaa ah jarashada Tikidka diyaaradaasi oo ka qaalisan diyaaradaha kale, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan la xiriira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com