Xildhibaano guddonka BF u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 10 xildhibaan ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood la xiriirta heshiisyadii ugu dambeeyeey ee uu galay madaxweynaha dalka.

Xildhibaanada ayaa qoraalka ku sheegay inay doonayaan inay wax badan ka ogaadaan heshiisyadii madaxweynaha uu la galay dowladaha Eritrea iyo Ethiopia.

Qodobada ay doonayaan inay madaxweynaha wax ka weydiiyaan ayna gudbiyeen waxaa kamid ah:

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.