Maamulka Puntland oo baadi goobaya guddi doorasho oo madax-banaan + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo shalay xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaarada ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay guddi doorasho oo madax-banaan.

Wasiirka oo laga sugayo dardar-gelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ayaa xusay in ka dhabeynta geediga doorashooyinka ay muhiim u tahay in guddiyada ku shaqada leh aan lagu fara-gelin.

“Waxaa rabnaa guddi madax-banaan oo dorasho oo aan la fara-galin oo shaqadiisa wata taageerada uu dowlada uga baahan yahayna hela, ururo siyaasadeed oo kalsooni ku qaba dorashadana ka qayb qaata iyugana kalsoonida ku qaba dorashada la qabanayo,” ayuu yiri Wasiirka Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaas sii raaciyay “Qarda jeexi mayno waana guuraynaa, inaan nabad ku kala keenana waa rabnaa, in nalagu aaminana waa rabnaa, in nalagula shaqeeyana waa rabnaa hawsha dhamaystirka golayaasha deegaanka doorashadooda.”

Wasiir Juxa oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay xilka uu la wareegay ee Wasiirka arimaha gudaha Puntland, waxaana laga sugaya ka miro-dhalinta mid kamid ah barnaamijyada ugu muhiimsan maamulka.