Maamulka Somaliland oo u jawaabay Jubbaland!

Hargeisa (Caasimada Online) – Kadib markii maamulka Jubba wasiir ka tirsan ay sheegtay iney aqoonsadeen Somaliland ayaa arintaasi waxaa ka jawaabay mid kamid ah xisbiyada maamulkaasi.

Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada deegaanada Somaliland ayaa sheegay iney ku farxeen hadalka kasoo yeeray maamulka Jubbaland wasiirka haweenka ka tirsan.

Masuul ka tirsan xisbigaasi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay in maamulkooda ay aqoonsi ay helaan.

Wuxuu sheegay iney Jubbaland si wanaagsan ula dhaqmi doonaan, sida uu hadalka u dhigay wuxuuna amaan dul hubiyay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

“Waa wax wanaagsan Talaabada Jubbaland uu qaaday, Axmed Madoobe si wanaagsan ayaan ula shaqeyn doonaa, waxay sameeyeen arin aan muddo raadineynay”ayuu yiri masuulkaasi.

Wasiirka haweenka Jubbaland oo si aflagaado ay ku dheehan tahay u hadleysay ayaa maalin ka hor ka sheegtay Kismaayo iney ka go’ayaan Soomaaliya inteeda kale.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com