Maareeyaha dekedda Xamar oo qarax lala eegtay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan, halka loo yaqaano Laansaleeti.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Axmed Waashinton, inkastoo uu ka bad-badaay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka mid ah ilaalada maareeyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, iyada oo shaacisay inuu si dirqi ah kaga bad-baaday maareeyaha dekedda Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo dhalinyaro lagu dilay uu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.