CUMAR FILISH dil miyuu u ballamiyey mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish, ayaa Khamiistii si aan hore loo arag uga hadlay war murtiyeedkii ka soo baxay midowga musharaxiinta.

Cunar Filish, oo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin hanjabaada mucaaradka, waxa uuna usoo daliilsaday aayado qur’aan, taas oo sanadkii 2006-dii sidaan oo kale Sheekh Shariif oo Midowgii Maxkmadaha ka tirsan usoo daliilsaday hoggaamiye kooxeedyo uu ka mid ahaa Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa musharaxiinta ku tilmaamay munaafiqiin mudan in la iska celsho, meel kastana lagu dili karo, taas oo halis weyn ku ah amniga musharaxiinta iyo guud ahaan mucaaradka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa musharaxiinta oo ka koobnaa inta ugu badan beelaha waa weyn ee afarta ah ka soo qaaday Hawiye oo kaliya oo dalka duminayo isagoo yiri. “Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid?”

Qatarta ugu weyn ee ku jirto Khudbadii Cumar Filish waxaa is dul-taagay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna yiri.

“Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Haddii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi! “

Dad badan ayaa qaba in duqa Muqdisho caradiisa aysan ka billaaban war-murtiyeedka mucaaradka balse uu ka careysnaa warar maalmahan dad u badan mucaaradka wareejinayeen, kaas oo ahaa in xilka laga qaado doono waxa uuna ka sheegay goobtii uu shalay ka hadlay.

“Waxay mucaaradka soo abaabuleen xilka waa laga qaadi rabaa waa beentood waxay rabaan in ay magaalada qas ka sameeyaan anigana waa i yaqaanana qas kama yeelayo, waa iga baqayaan iima imaan karaan sidaas ayey been ku qoreen oo ah in xilka layga qaadi rabo,” ayuu yiri Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Hadalka Cumar Filish ee hanjabaada ah waxaa ka faa’ideysan kara Al-Shabaab, Daacish iyo koox kalaba iyagoo isku dayi kara weeraro ka dhan ah mucaaradka.

Inkasta oo mucaaradka qaarkood amnigooda aad u sugan yahay sida madaxdii hore, haddana waxaa jira kuwa amnigooda beylahan yahay, kuwaas oo la beegsan karo, kadibna hadalka Filish lagu dabaqi karo wax kasta oo dhaca.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dadka wax beegsanaya aysan noqon Al-Shabaab kaliya, balse ay noqdaan dad aano qabiil, mid ganacsi ama sababo kale wax u beegsaday.

Dad badan waxay qabaan in hadalka Cumar Filish marqaati loo qabsan karo, kaas oo ah inuu ka dambeeyay weerarkii dhaca, ciddii la dilo ama la dhaawaco, maxkamadna lagu soo taagi karo, maadama laga hayo cod duuban oo u uku hanjabayo dil.

Cumar Filish waxaa habboon inuu raali-gelin bixiyo, islamarkaana caddeeyo inuusan rabashado dhiiri-gelineyn. Sidoo kale dowladda federaalka waa inay hadalkan iska bari yeeshaa, si aysan mas’uuliyadda dhinac uga qaadan.