Baarlamaanka Puntland oo soo saaray ga’aan la xiriira shirkadda DP WORLD

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulanka oo ahaa kii 18-aad ee ka mid ah kalfadhiga 47-aad golaha wakiillada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey, gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenkiisa koowaad, Cabdicaiis Cabdullahi Ismaan iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka soo xaadiray illaa 49 Mudane, kuwaas oo marka hore loo gudbiyey codsi ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa in uu sii socdo dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Boosaaso.

Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah geliyey in shirkadda DP World ay sii wado mashruuca lagu horumarinayo dekeddaasi, waxaana ogolaatay illaa 38 Mudane, mina jrin cid diiday, balse waxaana ka aamus 11 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanada Puntland ayaa u ogolaanayo DP World nay sii maamusho dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho ka taagneyd.

Arrinta ugu daran ayaa ka dhalatay, markii maraakiibta iyo doomaha ay ku xiran waayeen dekeddaasi, kadib markii ay carro badan buuxisay halkaasi.