Xog: Rooble iyo Cumar Filish oo raadinaya Hawiye miisaan iyo magac leh oo jawaaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabul iyo dadaal looga jawaabayo, laguna cambaareynayo go’aanadii kasoo baxay shirka musharaxiinta mucaaradka ay ku yeesheen Muqdisho ee soo dhamaaday Khamiistii.

Ololahan ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo duqa Muqdisho Cumar Filish oo ah xubnaha ugu sarreeya beelaha Hawiye ee ku jira dowladda, waxayna isku dayayaan inay helaan dad miisaan culus ku dhex leh beelaha Hawiye oo naqdiya shirkii Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, qorshaha ah ayaa ah in shirkii Muqdisho loo muujiyo mid ay musharaxiinta beel gaar ah ku diidan yihiin hoggaanka dalka, kuna carqaladeynayaan amniga. Musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka ayaa intooda badan kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa isla shalayba sidaas u muujiyey shirka, wuxuuna mucaaradka ugu yeeray kuwa ka shaqeynaya fitno, isaga oo aayado qur’aan usoo daliishaday in la dili karo, taasi oo cambaareyn xooggan ay ka dhalatay.

Si kastaba, maadaama Cumar Filish ku jiro dowladda, waxaa la isku dayayaa in la helo xubno Hawiye ah oo aan dowladda ka mid ahayn sida odayaasha, culimada, ganacsatada haweenka iy aqoonyahanada. Dhanka Haweenka ayaa waxaa loo xil saaray marwada madaxweyne Farmaajo, Seynab Macallin, oo iyana Hawiye ah.

Shalay ayaa masaajidada magaalada Muqdisho qaarkood waxaa laga abaabulay culimo khudbaddii Jimcaha kadib aad u dhaliilay shirkii Muqdisho iyo xubnaha mucaaradka, inkasta Masaajidadaas ay badankood ahaayeen kuwa ay maamulaan beelaha Banaadiriga, ayada oo kuwa Hawiye inta badan ay diideen.

Waxaa sidoo kale jira odayaal iyo dad kooban oo beelaha Hawiye kasoo jeeda oo shirkaas dhalleeceeyey, hase yeeshee waxaa la sheegay inaysan ahayn dad saameyn iyo magac leh.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan dadka miisaanka iyo magaca leh ee beelaha Hawiye ay diideen abaabulka Rooble iyo Filish, ayaga oo sheegay inaysan dhex-galeyn dad isku haya siyaasad, oo aysan diyaar u ahayn inay arrintan u rogaan mid qabiil.

Dhinaca kale, waxaa suurta-gal ah in la qabto banaan-bax shirkaas lagu diidan yihiin, inkasta oo aysan hubneyn.