Maareeye oo ku dhawaaqay mamnuucis waqtigeeda ka soo daahday laba bil (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida.

Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkaasi ay ka sameysan yihiin walxaha baaruuda ah ee Qaraxa sameeya kuwaa oo ka kooban Bustoolado iyo Qoryo dhammaantooda feeg ah.

Waxaa lagu sheegay wareegtada in qalabkaasi ay qalqal amni ku keeni karaan dadka shacabka, sidaa aawgeed ay Wasaaradu mamnuucday.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa muujineysa in Wasiirka uu gabay howlaha Wasaarada, waxaana xusid mudan in warqadaasi ay kusoo beegmeyso xili hal maalin ay ka harsan tahay Ciida.

Qalabka la mamnuucay ayaa magaalada Muqdisho soo galay ku dhawaad laba bil ka hor, hase yeeshee waxa uu Wasiirka iyo Wasaaradiisaba kusoo baraarugen xili qoysaska carruurta leh ay goor hore iibsadeen.

Dadka qaar ayaa wareegtada Wasiirka ku tilmaamay mid ifineysa howl xumo iyo ka warqab la’aan ka dhex jirta Wasaarada, iyagoo u sababeeyay soo daahista wareegtada.

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan.