Puntland oo beenisay war kasoo baxay Somaliland oo ku saabsan gobolka Sool

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyey war kasoo baxay Somaliland oo ah in wadahadallo la leeyihiin maamulkaasi, lagana wadahadlayo arrimaha gobolka Sool.

C/laahi Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi aanu waxbo ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay iney la wareegto gobolka Sool.

“Waan maqlay warkaa kasoo yeeray wasiir Sacad Cali Shire oo uu leeyahay waxaa inoo socda annaga iyo Puntland wadahadallo, warkaasi waa mid aan waxbo ka jirin waa war siyaasi…Laascaano iyo gobolka Sool waa la xoreynayaa waa arrin dastuuri ah, haddii in muddo ah Somaliland ay dhex socotay micnaheedu ma ahan iney leedahay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Quraan Jecel oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in aanu jirin wax lagu wadahadlo oo meesha yaalla, sababtuna wuxuu ku sheegay in Sool ay ka tirsan tahay Puntland.

Lama oga sida ay wax ku dambeyn doonaan, waxaana jirin illaa hadda dedaal rasmi ah oo muuqda misane lagu kala dhexgalay dhinacyadan.