TAABIT CABDI: “Xamar xuquuq la’aan iyo xorriyad la’aan ma wada qabato”

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray shacabka Muqdisho iyo dilalka isi soo taraya ee lagu hayo dhallinyarada ku xamaalata gaadiidka Bajaajta.

Maalmihii lasoo dhaafay, Muqdisho waxey aheyd magaalo kala xiran waxaana intaas dheer dilal ay ciidanka Dowladu ku hayaan shacabka. Wuxuu Taabit Cabdi Dowladda ka codsaday in ay cadaalad helaan qoysaska caruurtooda la laayay.

Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ayaa qaba in Muqdisho oo aan heysan mataalad siyaasadeed in aaney xamili karin caburin joogto ah isagoo yiri “Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato”.

Hoos ka Aqriso qoraal uu Taabit soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha. Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.

Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.

Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.

Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato!

Mahad-badan 
Thaabit Cabdi Maxamed