Mahad Salaad “Waa in na loo cadeeya in Muqdisho ay yeelatay laba madaxweyne”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah ku qabaan xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad ayaa xernaanshiyada daba dheeraaday ku eedeeyay Dowlada Somalia, gaar ahaan madaxda ugu sareysa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintaan ku cabiray qoraal uu kusoo daabacay boggiisa Facebook, ayaa su’aal ka keenay sababta ay Hay’adaha amniga u dhaqan galin la’yihiin amarka kasoo baxay Madaxweynaha dalka.

Waxa uu sheegay inay garan la’yihiin waxa u sababta ah in amarka Madaxweynaha dalka ahna Taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida uu ka dhaqan gali la’yahay keliya magaalada Muqdisho.

Mahad waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu garan la’ yahay in dalka uu leeyahay laba Madaxweyne oo talooyinkooda siyaabo kala duwan u fula.

Hoos ka akhriso qoraalka mahad salaad:

Madaxweyne Farmaajo maalintii Sabtiga qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitter ka waxa uu ku sheegay “in uu farayo hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo”.

Ilaa hada magaaladu sidii ayay ciriiri ugu jirtaa, cabashada shacabkana waa sii labo jibaarantay!

Sida ku cad Qodobka 90aad, Farqadiisa (b, c) ee Dastuurka KMG, Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal xilkana waa ka qaadaa.

Haddaba, hadii Madaxweynuhu amray in la furo wadooyinka xiran, waa su’aale:

– Yey u xiranyihiin wadooyinka magaalada Mogadishu ilaa hada?

– Hadiise Madaxweynuhu amar bixiyay maxay u fuli la’yihiin amaradiisu?

– Mise magaaladii Mogadishu ayaa labo Madaxweyne yeelatay oo jidadka la gooyay Dowlad kale ayaa ka talisa?!

Mudane Madaxweyne bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, maalmihii ciidana afka ayay nagu soo hayaan ee dadka shacabka ah ciqaabta Ciidammada Amnigu ku hayaan halaga dul qaado.

Mahadsanid.

Hon. Mahad Salad