Somaliland oo aqbashay qorshihii QM iyo Gaas oo ku xiray hal shardi oo adag

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, dawladda Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

Warku wuxuu sheegay  in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in dawladda Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tuko-raq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan arrintan.

Dawladda Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko-raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com