Macallimuu oo digniin culus kasoo saaray GEDO + Video

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, isaga oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Macalimuu oo ka hadlayey arrimaha soo kordhay, gaar ahaan mas’uuliyiinta Jubbaland ee loo diiday Garbahaarey ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo khilaafaadka gobolkaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gedo maamul ahaan ay hoostagto Jubbaland, isla-markaana loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qodobadii ay isku raaceen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa DG Jubbaland, nin diidan & nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka & Madaxda Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in horumarka gobolkan uu saameyn ku yeeshaan khilaafka soo noq-noqday, isaga oo tilmaamay inay shaqeyn waayeen mashaariicdii loogu-talagalay in lagu hormariyo deegaanka, sidoo kalena lagu caawiyo dadka dan-yarta ah.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri sii raaciyey Mr. Macalimuu.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle uu ku dhowaaqay in Jubbaland ay dhacday, maamul cusubna ay ka dhisayaan Garbahaarey, isaga oo intaas ku daray inuu dhammaaday muddo xileedkii 2-da sano ahaa ee Axmed Madoobe.

Si kastaba khilaafka weli ka jiro Gedo ayaa ka mid ahaa arrimaha sida weyn la’isugu qabtay ee saameeyey doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey.