Muxuu ahaa ninka hubeysan ee lagu toogtay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysanaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, xilli ay howl-gal ka wadeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in toogashada ninkan ay ka dhacday xaafadda  Cali-Turcaaye ee degmadaasi, waxaana ciidamadu xilligaas ay wadeen howl-gal roondo ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sheegay in ninka la toogtay uu damacsanaa inuu weeraro ciidamada waday howl-galka, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedka howl-galladan ayaa ah kuwa lagu ciribtirayo kooxaha burcadda ah ee xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysta degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaa waxaa dhowaan ka dhacaya doorashooyin, waxaana ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay isku diyaarinayaan sugida amniga ee doorashooyinkaasi.

Inta badan ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal, qaraxyo iyo falal kale oo dhac ah, kuwaas oo burcad hubeysan ay u geystaan shacabka.