Macallimuu oo shaaciyey ujeedka AL-SHABAAB ee beegsiga shacabka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kasoo galay maamul goboleedka HirShabelle ayaa ka hadlay dadkii shacabka ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab shalay ku xasuuqday duleedka magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Macalimuu ayaa ujeedka ay Al-Shabaab ka leedahay xasuuqaas ku sheegay inay tahay cabsi gelinta dadka shacabka ah si aan loogu dhiiran in la iska celiyo.

“Hab dhaqanka ku saleysan gumaadka iyo naxariis darrada ee Alshabaab ay wadaan ujeedkiisu waa cabsi iyo argagax galin si aan loogu dhiirran in la iska dhicyo oo laga horyimaado,” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray  “Ilaah ha u naxariisto dadkii shacabka Soomaaliyeed ee xalay lagu xasuuqay duleedka Beledweyne. Dad masaakiin ah oo safar ah in la xasuuqo ayaa diin Muslim raad ku leh oo Janno lagu tagayaa cid Soomaali ah oo maanta ay ka daadageyso ma jiro. Waana midabka saxda ah ee Al-Shabaab.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in falkaan uu muujinayo inuu soo dhawaaday jabka kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caarinimo.

“Shacabka ha u midoobo cadowgaas. Dowladda waa in ay la timaadaa qorshe ka fog igu sawirta furumaha loo aado . Cadow ma naxayaal ah yaan umadda loo hoosaasin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii wuxuu ku baaqay in Al-Shabaab loola dhaqmo sida ay dadka ula dhaqmayaan “Alshabaab sida ay u dhaqmayaan ka daran hadaan loola dhaqmin dhibaatada dhacday iyo mid ka sii daran weey la imaan doonaan.”

Weerarka ay kooxda AL-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.