Siyaasiyiin miisaan leh oo qeylo dhaan ka soo saartay gabood-fallada ay Al-Shabaab geysanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadkii xalay lagu laayeey duleedka Maxaas, ee beesha Xawaadle ayaa kulan deg deg ah isugu yimid, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shirkooda kadib waxay la hadleen warbaahinta, waxayna wacad ku mareen inay ka aar-goosa doonaan Al-Shabaab, una hiili doonaan dadkooda la laayey.

Xildhibaanadaas ayaa sheegay in berri ay u safri doonaan Hiiraan, isla markaana ay hoggaami doonaan dagaal ay uga aar-gudanayaan kooxda, sidoo kalena ay gurmad deg deg ah gaasiinayaan dadka ku nool deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan oo wajahaya cunaqabateyn adag oo Al-Shabaab uga imaaneysa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.

wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir M. Nuur ayaa soo qoray, “Shacabkeygiyoow wajiga rasmiga ah ee Alshabaab waa kan Galgaduud iyo Hiiraan iyo meelo kalaba ku aragtaan.
Waa kuwa leynaya marasta gubayana gaadiidka shacbka, ceelasha biyaha baraagaha iyo Isgaarsiinta, kadib markey u babac dhigi waayeen cududa Shacabka iyo Ciidanka Xooga.
Waxaa loo aari doonaa dhamaan shuhadadii Haweenka, Caruurta iyo Waayeelka isugu jirtey ee ay laayeen inshalah.”

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga hadashay xasuuqii loo geystay dadka shacabka ah, isagoo dowladda ka codsaday in dadka deegaanadaas ay ku garab-siiso dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan.

Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu ka soo saaray dhacdadaas wuxuu ku yiri, “In dadka deegaanku ay is abaabulaan, lana dagaallamaan kooxaha xagjirka ah waa tilaabo mudan guubaabin, ku dayasho iyo garab istaagis. Hadaba si looga guuleysto, loona ciribtiro Shabaab, loogana xoreeyo deegaannada dalka oo dhan, waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah loogu midoobo cadawgaan gumaadaya shacabka Soomaaliyeed.”

Xikdhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa isna yiri, “Argagexisada Shabaab, caruur dugsi Quraan dhiganaysa cafin mayaan. Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado abaabul heer qaran oo argagexisada la iskaga celiyo. Shacabka abaar ba’an ayuu la tacaalayaan, colaad iyo gumaad Al- Shabaab ma xamili karo. Shacabku wuxuu xaq noogu leeyahay in aan  horteenna lagu gumaadin, laguna gumaysan.”

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo qoray, “Ashhadu anna laa ilaaha illAllahu wa ashhadu anna Muxammad Rasuulullah. al Shabab aan ahay oo Muslim aan ahay waa been. Gaalada iyo Yuhuudda sidaan uma dhaqmaan. Waa inaan difaacanno diinteena, dadkeenna, degaannadeenna, jiritaankeenna iyo hantideenna. Wallahi inaan kuwaan loo dulqaadan karin. Al Shabab xabbad ayaa noo ballan ah. Man khaafa faleysa minnaa.”