Abu Muscab oo si jees jees ah uga hadlay shacabkii ay xasuuqeen qirayna in qabiil…

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay weerarradii dadka badan ay ku laayeen ee ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ninkaan u hadlay Al-Shabaab ayaa ku dooday in qabiil gaar ah aysan beegsaneyn, balse ay baacsanayaan kooxo macawiisley ah oo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ay abaabulayaan, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale Abuu Muscab wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta tijaabiso farsamo cusub oo ay kula dagaalameyso Al-Shabaab, isagoo qiray inay dagaal gelisay oo ku abaabushay macawiisley dadka deegaanka ah, sida uu yiri.

“Waxaan ognahay kuwa ka shaqeynaya kacdoonkaan, laakiin waa farsmo duug ah oo boqolaal jeer aad horay u soo tijaabiseen, kuna fashilanteen, anaguna duulaan kuma nihin qabaa’il gaar ah,” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab oo Al-Shabaab u hadlay.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Reer walba, juffa walba iyo qoys walba oo go’aansada inuu hubka u qaato inuu nala dagaalamo, garabna u noqdo cadowgeena dalka iyo diinka ku soo duulay, xukunka Ilaahay ee Kitaabka ku qorani waa cadyahay.”

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay inay ka war qabaan inuu socdo qorshe qabaa’ilka loogu soo bandhigayo inay dagaal kala hor tagaan Al-Shabaab, “Waxaan ognahay kuwa iska diiday qorshahaas iyo kuwa qaatay,” ayuu yiri isagoo goodinaya.

Sidoo kale ninkaan ayaa sheegay inay kooxdu la socoto siyaasiyiinta wada qorshaha qabaa’ilka looga hor keenayo Al-Shabaab, “Waxaan leenahay ka jooga,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in Sabtidii maanta ay fuliyeen howlgallo aad u badan oo ka kala dhacay Joobiiyinka, Shabeellooyinka, Bay iyo Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.