Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray xusuuqii ay AL-SHABAAB geysteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee  argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos taga Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay “in ficillada gurracan ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in kooxda Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca hantidooda, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo https://hotcanadianpharmacy.com/ Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.

Ugu dambentii Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan ciidamada iyo shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug, si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan “si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee caadeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soomaaliyeed.”