Mareykanka oo war kasoo saaray xasuuqii ay maanta geysteen AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleedka magaalada Beledweyne kaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday gawaari raashin siday.

Safaaradda ayaa sheegtay in ujeedada weerarkaas ay tahay sidii ay Al-Shabaab  u hor istaagi laheyd cunada la gaarsiinayo dadka gaajeysan.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay Al-Shabaab burburisay ceelasha dadka harraadsan ee ku sugan gobolka Hiiraan kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeelatay abaarta ka jirta gobolkaas.

Ugu dambeyntii safaaradda ayaa xustay in tallaabada ay Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ay muujineyso sida ay u xaqirayaan nolosha aadanaha.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka visit canadianpharmacy365.net deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.