Axmed Madoobe oo sheegay tallaabo ay tahay in la qaado kadib shacabkii la xasuuqay

Kismaayo (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay inaan laga niyadjabin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab kadib xasuuqii ay kooxdaan dad shacab ah ugu geysatay duleedka magaalada Beledweyne.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday  Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka go’an tahay inay dilaan qof kasta oo kamid shacabka Soomaaliyeed.

“Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeen,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in wadada kaliya ee kooxda Al-Shabaab looga adkaan karo ay tahay in lagu qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.