Macallin dugsi qur’aan oo MUQDISHO lagu dilay caawa & xog sheegaysa in…

bMuqdisho (Caasimada Online) – Dabley aan haybtooda la aqoonin ayaa waxay fiidnimaddii caawa nin Macallin Dugsi ah ku dileen Xaafadda Xarayaale ee Degmadda Wardhiigley ee magaalladdan Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay  inay dableydu weerareen Macallinkaasi, xilli uu ka soo baxay Masjidka oo uu Jameecadda la soo tukaday Salaadda Cishaha.

Dableydii dilka geysatay ayaa baxsatay, kadib, markii ay Macallinka dileen.

Dhinaca kale, Askari ka tirsan kuwa Dowladda iyo xaaskiisa ayaa caawa lagu dhaawacay Degmadda Hawlwadaag.

Goobjoogayaal ayaa sheegay  inay kooxo hubeysan weerar la beegsadeen guri uu degganaa Askari iyo xaaskiisa, waxayna dableyda bam-gacmeed ku tureen gurigaas.

Askari iyo xaaskiisa ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalladda magaalladda Muqdisho.

Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano, inkastoo aysan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com