Gudoomiye cusub oo dil ka badbaaday

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka bixiyay qarax ka dhacay degmadaasi, kaasi oo la doonayay in isaga lagu dilo, laakiin uu ka badbaaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay howgalo amni ay ka sameynayeen xaafada Suuqa Xoolaha iyo xaafado kale sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Axmed Xaashi, ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay ku sugnaayeen Suuqa Daryeel oo xoolaha lagu iibiyo, isagoo sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha qaraxa ayuu sheegay in hal askari kaliya uu kaga dhaawacmay, inkastoo aan faah-faahin dhab ah laga heynin waxyeelada qaraxa ka dhalatay.

“Suuqa Xoolaha ayaan howlgal ka wadnay, inagoo howlgalka wadno ayaa qaraxa uu dhacay, hal askari ayaa nooga dhaawacmay, hal ruux ayaan soo qabanay oo meesha joogay”.ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa.

Habeenimadii xalay degmadaasi waxaa ka dhacday xaflad lagu taageerayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay wasiiro xukuumada ka tirsan iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com