24.8 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

MAXAA XALAY KA DHACAY MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Hubeysan oo la gareynin ayaa xalay dhaawac u geystay sarkaal Nabad Sugida ka tirsan iyo xaaskiisa xili ay ku sugnaayeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen dadka dilka geystay oo baxsanaya laakiin ay awoodi waayeen inay wax ka qabtaan maadaama ay hubeysnaayeen.

Sarkaalkaan ka tirsan hayada sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Xasan Daahir, waxaana isaga iyo dhaawaca xaskiisa la dhigay xarumaha caafimaadka.

Saraakiisha Nabad sugida ayaanan wali ka hadlin waxyeelada loo geystay sarkaalkaan ka tirsan Hayada Nabad Sugida iyo xaaskiisa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxay baaritaano ka wadaan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, maadaama xalay dhaawac loo geystay sarkaal nabad sugid iyo xaaskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News