29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Macallin Dugsi Qur’aan oo si arxan darro ah loogu dilay deegaanka Janaale

Bookmark
Bookmarked

Share

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dila argagax leh oo xalay Macallin Dugsi Qur’aan loogu gaystay gudaha deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay weerareen kooxo hubeysan oo dhac ka gaysanayay halkaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Macallin Xambali ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday toorey ay ku dhufteen ragga burcadda ah, kadib markii uu isku dayay inuu ka difaacdo hantidiisa.

Macallinka ayaa si weyn looga yaqaanay magaalada dhexdeeda, waxaana geerdiiisa ka tacsiyeey maamulka deegaanka Janaale oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Maamulka Deegaanka Janaale wuxuu halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan bulshada deegaanka, gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo ardayda uu ka baxay Alle Ha u naxariistee Macallin Xambali. Marxuumka ayaa si arxan darro ah toorey loogu dilay, isagoo hantidiisa difaacanaya, kadib markii tuugo ay ku weerareen goobtiisa xalay saqdii dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskiisa iyo dadka uu ka geeriyooday”.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad, isla markaana lagu daba jiro burcadda dilka gaysatay, si loo horkeeno cadaaladda.

“Maamulka iyo laamaha amniga ayaa wada baaritaan, iyagoo si dhow ugu daba jira dambiilayaasha falkaasi geystay, si cadaaladda loo horgeeyo.” ayaa mar kale yiri qoraalka.

Janaale oo kamid ah deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Xoogga dalka, waxaase mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri iyo dilal qorsheysan.

- Advertisement -

Read more

Local News