Machadka Heritage oo soo bandhigay 4 qaab doorasho oo dalka lagu qaban karo 2020-ka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020, warbixintan lagu salleeyay hab cilmi baaris ah oo la xiriira taxanaha doorashadii hore dalka uga dhacay.

Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh.

Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah.

Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay si joogto ah ugu fashilantay in ay iska rogto heeryada qabiil wax-ku-qaybsiga ee siyaasadda, ayna u gudubto si kama-danbays ah doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah.

Soomaaliyana waxa ay ahayd, waddan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah hiddo u leh, kuwaas oo soo bilaabay markii gobanimada la qaatay 1960. Weliba, madaxweynihii kowaad ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrika ee doorasho looga adkaado, kaas oo muran la’aan aqbala in laga cod-badiyey. Madaxweyne Aadan Cadde, waxa uu weliba diidey isku dayo taageerayaashiisa ay doonayeen in ay ugu qiil-dayaan si uu xukunka u sii hayo, isaga oo uga gol lahaa in uu xididada u sii aaso, dimuqraadiyaddii curdanka ahayd.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho