CC Shakuur oo soo bandhigay arrin ay iskaga mid-yihiin Kooxaha xagjirka iyo DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa maanta si adag uga hadlay habka Madaxda dalku ay u maamulan dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda ay u dhaqmaan sidii ay maamulan dowlad dhisan oo awood leh, isagoona xusey inay Somaliya tahay dal ku guda jira geedi socodka dowlad dhisida.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey hadii fahamka siyaasadu uu qaldamo ay ka dhalan karaan natiijooyin uu ugu yeeray xagjirnimo iyo jahwareer, kuwaasi oo ah fahamka khaldan ee dowladnimada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona xusey inay waxba ku kala duwaneen kuwa raba inay faham diimeed oo qaldan meel mariyan iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Si aad u garato halka aad u socoto waxaa lagama maarmaan ah in aad garanayso halka aad joogto. Soomaaliya waa dal ku guda jira geedi socod dawlad dhisid, waxaase muuqata madaxda talada dalka haysa in ay u dhaqmayaan sidii in ay dawlad dhisan maamulayaan oo kale. Haddii fahamku khaldan yahay, ha sugin in ficilku hagaago, haddii aadan garanaynin halka aad taagan tahay, way adagtahay in aad halka aad u socoto haleesho.

Fahamka siyaasadeed oo khaldama, natiijadiisu waa xagjirnimo iyo jahwareer ah, sababtoo ah waxaa is herdinaya waxa uu meelmari is leeyahay ruuxa fahamka khaldan wata iyo dhabta waaqaca horyaala.

Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho