Madaale oo amar culus kasoo saaray dhulalka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro ka soo saaray dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud ee caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira dhulalka, isagoona faray agaasimeyaasha shaqada ku leh waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xiriira dhul la qaban karin Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha. 

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku celiyay in dhulalka iyo guryaha danta guud ee horey loo hakiyay ay weli sidoodii ugu jirayaan hakad, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aan kharash la iska gelin dhul dan guud ah, cidii ku dhiiratana ay iyadi qaadi doonto mas’uuliyadda.

Madaale ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee guryaha ku leh caasimadda Muqdisho in ay iska hubiyaan cidda ay ka kireynayaan guryahood, islamarkaana ay mariyaan nidaamka hubinta, si aysan ugu soo dhuuman kooxaha argagaixisada, ciddii aan marin nidaamkaas oo lagu qabto guryahooda shaqsiyaad argagixiso ama lagu fuliyo falal liddi ku ah amniga ay qaadan doonaan masuuliyadda, dowladdana ay tallaabo ka qaadi doonto mulkiileyaasha guryahaas.

Dhanka kale, guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa boggaadiyey howlgalladii ugu danbeeyay oo ay laamaha ammaanka ka fuliyeen caasimada Muqdisho, taas oo lagu soo qab-qabtay kooxo dhagar-qabeyaal ah iyo hubkooda, laguna fashiliyey dhagartii ay u maleegayeen dadka ku nool Gobolka Banaadir. 

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si wadajir looga hortago dhagaraha cadowga ee lagu baneysanayo nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.