Soomaali kamid ah shiicada u lugeyneysa siyaarada Karbala

Karbala (Caasimada Online) – Malaayiin ruux oo ka tirsan Muslimiinta Shiicada ayaa billaabay siyaarada sannadlaha ah ee ay ku tagaan magaalada Karbala ee dalka Ciraaq. Maanta oo Sabti ah ayaa maalayaiin qof ay siyaaranayaan magaaldaasi. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warbixin aan 2020-kii ka qornay koox Soomaali ah oo haysta fikirka Shiicada oo xuskaasi ka qeybgalay.

Maxamed Cali Jibirte ayaa sheegay in isaga iyo Shiicada kaleba ay lug ka billaabeen magaalada Najaf, ayna damacsanyihiin inay masaafe dhan 80km u lugeeyaan magaalada Karba.

“Hadda waxaan joogaa afaafka hore ee magaalada sharafta leh ee Najaf, oo ah magaalada uu ku aasanyahay Imaam Cali Ibnu Abii Dhaalib (R.C), halkan waxaa ka socda wax loo yaqaanno 40-kii maalmood ee kasoo wareegtay markii dil qoor gooyo ah Karbala loogu geystay Imaam Xuseyn Ibnu Cali Ibnu Abii Daalib. Markii 40 maalmood laga joogay xilligii uu dilka dhacay ayaa madixii la gooyay ee Imaam Xuseyn laga soo celiyay dhinaca Suuriya, waxaana la geeyay Ciraaq, ka dib markii loo geeyay xaakimkii dilkiisa ka dambeeyay ee ahaa Yaziid Ibnu Mucaawiya. Sidoo kale Carruurtii iyo walaalihii Imaam Xuseyn oo iyagana la qafaashay ayaa maalinkaas kasoo laabtay Suuriya iyagoo usoo hayaamay meeshii lagu dilay aabahood iyo walaalkood, sidaas darteed dadka Ahlul beytka ah waxay caadeysteen inay weyneeyaan maalintii ay haraadigii qoyskii rasuulka kasoo hayaameen Suuriya ee ay usoo hayaameen Ciraaq”, ayuu yiri.

Maxamed oo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isagu uu ka mid yahay Shiicada, kaligiisna uusan ku ahayn siyaaradan.

“Dad ka badan 15 milyan oo shiico ah ayaa sanad walba halkan isugu yimaada, waana markii ugu horreysay ee aan kaga qeyb galno koox Soomaali ah, waxaana ila socda dad badan oo Soomaali ah oo ka kala yimid qurbaha, geeska Afrika iyo qeybo kale oo ka mid ah caalamka”, ayuu yiri.

Siyaarada Arbaciin-ka ama 40-aadka ayaa lagu tilmaamaa inay tahay kulanka ugu weyn adduunka ee ay dadweyne isugu imaadaan sanadkiiba hal mar.

Dadka munaasabaddan ku kulma waxay aad uga badan yihiin muslimiinta sanad walba u xajiya Kacbada barakeysan ee magaalada Maka.

Waxay qeyb ka tahay baroordiiqda loo sameeyo dilkii loo geystay Xuseyn Bin Cali, oo ah wiilkii uu awowga u ahaa Nabi Muxammad (CSW), kaasoo ay dhahsay gabadhii Rasuulka, Fatuma.

Tirada dadka munaasabaddan ka qeyb gala ayaa sanadkii 2016-kii gaartay 20 malyan oo ruux am aka badan.

Raashinka, biyaha iyo adeegyada kale ee ay isticmaalaan dadka siyaaradan ka qeyb galaya ayaa lagu siiyaa si bilaash ah waxaana isku xilqaamay dad iskood kharashkaas u bixiya.

Qaar ka mid ah Shiicada Ciraaq ayaasocodka lugta ah ee lagu aadayo Karbala ka billaaba magaalooyin aad u fog fog, sida Basra, oo Karbala u jirta masaafe dhan 500km.

Isu soo baxan ayaa lagu qeexaa mid si weyn u muujinaya fikirka ay aaminsanyihiin Shiicada adduunka.

Hase ahaatee, Iiraan iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Shiicada ayaa warbaahinta ugu waaweyn caalamka ku dhaleeceeya inaysan tabinin munaasabaddan ballaaran.

Xigasho: BBC