MADASHA oo shaaciyay sababtii ay u uga aamuseen doorashada HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo qeyb ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Maxamed Cabdiraxmaan Siiriin, ayaa faah faahiyay sababtii ay Madasha Xisbiyada Qaran uga gaabsatay doorashada HirShabeelle oo laga soo sheegayo musuq maasuq badan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Kulan Maxamed Siiriin, ayaa sheegay in sababta ay uga aamuseen doorashada HirShabeelle ay tahay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan u dirin guddi faro geliyo, in aysan joogin wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo doorashada HirShabeelle ay maamuleen guddigii uu magacaabay Madaxweynihii maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

“Annaga doodeynu waxay aheyd in doorasho la qabto oo aysan dhicin muddo korarsi, doorashadii waa laga heeshiiyay, waxaana dhiman guddiyadii oo la isku raaco meeshaas war kale kama furno marka laga reebo arinta guddiyada iyo wixii soo kordha waana sababta warkeenu u yaraaday,” ayuu yiri Maxamed Siiriin oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee sanadkaan.

“Arrinta HirShabeelle looma faro gelin sidii K/Galbeed iyo Galmudug ama Jubaland oo weerar lagu ahaa, waxaa ilaa hadda u jeednaa guddigii maamulka dhistay oo doorashada maamulaya balse ma heyno cid ay dowlada dirstay oo wasaarad ah ama guddi kale sidii Galmudug sabab aan u hadalnana uma jeedno,” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbiga Kulan Maxamed Siiriin.

Dhinaca kale, waxa uu aad uga hadlay guddiyada doorashada oo dhamaantood uu sheegay in aysan aheyn kuwa dhax-dhaxaad ah islamarkaana ay keeni karto kala tag iyo shakiga oo sii bato.

“Waan ku baaqeynaa in la keeno guddi madaxbanaan oo dhax-dhaxaad ah oo tartamayaasha u kala gar-qaadi kara, ee kuwaan waa shaqaale iyo ciidan mana ahan rag lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin oo la hadlay Warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho.