Madaxweynaha gobolka Tigrayga oo hadal lama filaan ah kasoo saaray dagaalka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Tigrayga, Debretsion Gebremichael ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in wada-hadal laga furo xiisada dagaalka isku bedeshay ee kala dhaxeysa dowladda federaalka Itoobiya.

Debretsion ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka, isla markaana la bilaabo wada-hadallo dejin kara si xiisadda hadda taagan.

Madaxweynaha Tigrayga oo u muuqda mid kasoo dabcay mowqifkiisi adkaa ee uga soo horjeeday xukuumadda Abiy, ayaa ku baaqaya xabad joojin, xili uu dhawaan Midowga Afrika ka dalbaday inay soo fara-geliyaan xiisada labada dhinac, si looga baaqsado dagaalo sokeeye.

Mowqifka cusub ee madaxweynaha Tigrayga ayaa imanaya maalmo un kadib markii ciidamada millateriga Itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanada maamulkiisa, kuwaasi oo lagu burburiyey xarumo keyd u ahaa, sida ay ku warantay wakaalada Reuters.

Arrinta ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu sheegay inay dowladiisu soo afmeeri doonto hadafkii laga lahaa howl-galada maamulka Tigrayga, midaasi oo meesha ka saareysa suurtagalnimada ay dowladda federaalku wada-hadal ugala furayso maamulkaasi.

Xiisada labada dhinac ayaa si weyn looga deyrinayaa, iyada oo Qaramada Midoobay ay ka digtay dagaaladaasi oo ay sheegtay inay halis ugu jiraan barakac ku dhawaad 9-milyan oo qof, kuwaasi oo wajahayana arrimo bini-aadantimo.