Madasha Xisbiyada oo ku dhowaaqay inay ka baxeen wada-hadalladii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal ay soo saareen, ku shaaciyey inay ka baxeen wada-hadalladii ay kula jireen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ku eedeeyeen inuu jebiyey qodobada heshiiskii horey loo gaaray.

Kadib heshiiskii madaxweynaha iyo madaxweynayaashii hore oo matalayey Madasha ay gaareen 20-kii November, ayaa waxaa lagu waday in dhinacyada ay mar kale kulmaan si dib loogu eego fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey, la iskuna raaco kuwa cuusb. Hase yeeshee, Madasha ayaa qoraalka ay soo saartay, oo ku taariikheysan 18-ka December, ku sheegtay inay garowsatay in danta Farmaajo ee wada-hadalladii hore ay ahayd kaliya hadaf siyaasadeed ee aanay ahayn inuu xal la gaaro saamileyda siyaasadda dalka.

Waxyaabaha ay Madasha ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah inuu diiday inuu bulshada la wadaago qodobadii horey loogu heshiiyey, taasi oo ay ku qeexeen inay horudhac u ahayd inuusan ixtiraamin heshiiska.

Madasha ayaa madaxweynaha ku eedeysay inuu si cad u jebiyey dhammaan qodobadii heshiiska, sida Qodoboka dhowrista xuquuqda hadalka iyo socodka muwaadinka, ayaga oo tusaale usoo qaatay in xildhibaan Daleys Xasan Aadan loo diiday inay ka dhoofto garoonka Muqdisho 25-kii November.

Qodobka doorashooyinka, Madashu waxay sheegtay in Farmaajo weli uu ku dheggan yahay hindise baal-marsan dastuurka, isaga oo aan wax ixtiraam ah u hayn dhinacyada kale ee wax ku leh tallada dalka. Waxay sidoo kale ku eedeeysay inuu faro-gelin cad ku hayo doorashooyinka maamul goboleedyada dalka, sida Galmudug, oo uu ka shaqeynayo in madaxweyne loo doorto musharax horey loo go’aamiyey.

Qodobka amniga, Madashu waxay sheegtay in madaxweynaha uu weli sii wado inuu hay’adaha amniga dalka u adeegsado hadafyo siyaasadeed, intuu uu shacabka uga difaaci lahaa kuwa halista ku ah jiritaanka iyo qarannimada dalka.

Qodobka Xiriirka dowlad goboleedyada iyo Somaliland, Madashu waxay madaxweynaha ku eedeeysay inuu weli sii wado inuu xasilooni-darro ka abuuro maamullada dalka sida Jubaland, iyo Puntland oo uu maal-geliyey kacdoon ka dhaca dowladda halkaas ka jirta, burburinta Galmudug, iyo HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo uu adeegsanayo “adeegayaal” uu gaystay intii uu shacabka uga ogolaan lahaa inay doortaan kuwa matala.

Dhanka Somaliland ayey Madashu sheegtay inuu guddiga wada-hadallada kusoo daray shakhsiyaad ku eedeysan inay xubin ka ahaayeen dowladdii Siyaad Barre oo loo haysto xasuuqii shacabka Somaliland.

Dhammaan qodobada kor ku xusan ayay Madashu sheegtay inay caddeyn u yihiin in Farmaajo aysan daacad ka ahayn heshiiska iyo wada-hadalladii hore balse uu doonayey kaliya inuu ku muuqaal dhisto isuguna ekeysiiyo inuu leeyahay hoggaan wanaagsan.

Madasha ayaa shuruud ka dhigtay in si wada-hadallada dib loogu furo ay qasab tahay in madaxweynaha uu shaaciyo qodobadii hore, islamarkaana si rasmi ah u fuliyo.