Madasha Xisbiyada Qaran oo shaacisay wixii dhex maray SHARIIF iyo FAHAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah-faahin ka bixisay kulan habeen hore Muqdisho ku dhex-maray hoggaamiyaha madashaad iyo taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah xubin sare oo ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku faah-faahiyey kulankaas. Hoos ka aqriso qoraalkaas oo dhameystiran.

Kulanka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, ku dhexmaray hoyga Sheekh Shariif habeenimadii Jimcuhu soo galayey wuxuu ka danbeeyey codsi ka yimid dhanka Md. Fahad Yaasiin.

Kulankaas waxaa si hordhac loogu soo qaadey dhacdooyinkii dastuurka iyo shuruucda dalka hareer-marsanaa ee lagula kacey madaxdii hore ee dalka oo ah madaxda madasha xisbiyada qaran todobaadyadii la soo gudbey oo uu muujiyey Fahad Yaasiin sida uu uga xun yahey, iyo soo gudbinta codsi uu ka wadey Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan kulan dhexmara madaxda madasha iyo Md. Farmaajo maalmaha soo socda.

Madasha Xisbiyada Qaran waxey mabda’ ahaan aaminsan tahey in wadada ugu wanaagsan ee lagu xallin karo ismarin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira heer kasta oo uu yahey ay tahey wadahadal dhab ah, kaasoo ay madaxda Villa Soomaaliya ka dhega-adaygayeen sanadihii ay talada joogeen, dhegehana ka fureysteen dhammaan dhawaaqyadii kala duwanaa ee waxgaradka Soomaaliyeed siyaabaha kala duwan uga soo baxayey.

Shakki weyn ayaa laga muujinayaa dhabnimada wadahadal dhexmara madasha xisbiyada qaran iyo madaxda Villa Soomaaliya ka dib hadalkii aflagaadada ahaa ee Md. Farmaajo uu ka yiri magaalada Nairobi, iyo in wadahadalkani ka yahey taatiko ay culeysyada jira isaga yaraynayaan, ayna rabaan oo kaliya in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ay tusiyaan igu sawirta kulanka iyo qosolka Farmaajo oo labada dhinac ay ka kala fadhiyaan labadii madaxweyne ee asaga ka horeysay.

Madasha xisbiyada qaran waxey sii wadaysaa hawlihii siyaasadeed oo ay hormuudka u aheyd, waxna kama bedeli doono wadadii ay ku socotey kulamo maaweelo ah oo looga gol leeyahay igu sawirtii sanadka 2019, balse hawlaheeda way sii laba laxaadin doontaa illaa laga gaarayo ujeedooyinka ay u taagan tahey oo ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla, qabashada doorasho daahfiran oo hanaankeeda la isku waafaqey sanadka 2020/2021, ilaalinta nidaamka federaalnimada iyo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta.