Madasha Xisbiyada Qaran oo soo saartay digniin cusub oo ku socota DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya uga digtay muddo kororsi iyo waxkasta oo keeni kara dib u dhac doorasho, xili ay muddo yar ka hadhsantahay doorashada dalku.

Madasha oo maanta yeelatay shirkeedii todobaadlaha ahaa ayaa diirada ku saartay arrimaha doorashooyinka iyo shirka madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.

Kulankaasi oo u qabsoomay qaab fogaan arag ah ayaa waxa shir gudoominayey guddoomiyaha Madasha, Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  iyadoo lagu falanqeeyay muhiimada ay xiligan leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho aan muddo dhaafin, isla markaana laga wada socdo oo loo dhan yahay geedi socodkeeda, oo ay qeyb ka yihiin daneeyeyaasha siyaasaddu.

Sidoo kale Madasha ayaa ka digtay in xiligan kala guurka ah ay madaxda dowladda federaalku ku kacdo waxkasta oo keeni kara khilaaf iyo  kala fogaansho siyaasadeed.

Madasha ayaa si cad u tageertay shirka madaxda maamulada dalka uga furmaya magaalada Dhuusamareeb, iyada oo soo dhaweysay wada-hadal kasta oo keeni is-fahan iyo in laga fogaado qalaalase siyaasadeed.

Waxayna ugu dambeyntii xubnaha kulankaasi ka qeyb-galay ay bogaadiyeen dadaalo muddooyinkii dambe ay madaxda madashu iskugu soo dhaweynaysay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka oo la sheegay inuu soo kala dhex-galay khilaaf.