Maxaa caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa caawa waxa ka socda kulamo hordhac ah oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada ee gaaray magaaladaasi.

Xarunta madaxtooyada Galmudug oo badanaa madaxda maamul goboleedyadu ay degan-yihiin ayey ka socdaan kulamadaasi, kuwaasi oo looga wada-hadlayo ajendaha shirka u furmaya maamulada dalka berri.

Kulamadaasi ayaa si gaar ah waxay ugu socdaan Madaxweynayeyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxda maamulada dalka ayaa caawa si weyn iskula falan-qeynaya arrimo ku saabsan doorashada soo socota ee dalka iyo sidii go’aan mideysan looga qaadan lahaa.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa kale oo buux dhaafiyay Mas’uuliyiin kala duwan oo isagu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo weliba siyaasiyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inay soo saaran qodobo xasaasiya oo ku saabsan doorashada 2020/2021 iyo khilaafka maamulada iyo dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe sarre u kacay.

Xog hoose oo muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku raaci doonaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ah iyo in laga soo horjeesto qorshaha Villa Somalia ee doorashada dalka iyo dib dhac ay qorsheneyso madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu wax ka ogyahay qorshaha iyo go’aanada ka soo bixi doona maamul gobaleedyada dalka islamarkana uu xariir la leeyahay maamulada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.