Maxaa lagu xaliyay ciidankii dhowaan ku dagaallamay aagga madaxtooyada ee…

Johwar (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Jowhar ee maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in xal kama dambeysa ah laga gaaray ciidamo dhowaan dagaal ku dhex-maray Aagga Madaxtooyada maamulkaasi ee Jowhar.

Saraakiisha booliska Hir-shabeelle, maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro ciidamo kala taabacsanaa booliska Hir-shabeelle iyo kuwa Madaxtooyada maamulkaasi oo ku dagaalamay Aagaasi.

Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xooga dalka oo arrinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gacan bir ah ku qabn doonaan Askarigii ka qeyb noqdo dagaalo uu ugu yeeray ‘kuwa qabiileysan’.

Taliyaha ayaa ciidamada qeybta ah kuwa dowladda ugu hanjabay inay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay horgeyn doonan askari kasta oo qeyb ka noqda dagaal noocaas, xili xal laga gaaray midka aaga madaxtooyada Hir-shabeelle.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Maamulka gobolka Shabeellaha, Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow iyo Cismaan Maxamed Baareey, Guddoomiyaha maamulka magaalada Jowhar oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si nabdoon ay magaalada kuwada joogan labada ciidan.

Baareeye iyo Xaandow ayaa dalbaday in go’aamo laga soo saaro cida sida rasmiga ah u leh ee gacanta ku haysaneysa dhulkaasi ay dhawaan ciidamadu ku dagaalameen.