Britain oo cunaqabteyn ku soo rogtay Sacuudi Carabiya

London (Caasimada Online) – Britain ayaa Isniintii waxay shaacisay aqoonsiga 49 isugu jira shaqsiyaad iyo shirkado oo 25 ka mid ah ay Ruushka u dhasheen 20-tana ay Sacuudiga u dhasheen, kuwaas oo loo cunaqabateynayo xad-gudubkooda ka dhanka ah xuquuqul Insaanka, waxayna taasi ka careysiisay Moscow.

Dadka Ruushka u dhashay waxaa lagu eedeeyey ku lug-lahaanshahoodii geeridii garyaqaan Sergei Magnitsky, kuwa Sacuudiga u dhashayna waxaa lagu tuhunsan yahay doorkii ay ku lahaayeen dilkii Jamaal Khashoggi, sida uu sheegay xafiiska arrimaha dibadda.

Liiska waxaa ku jira Saud al-Qahtani, kaas oo la rumeysan yahay in uu kormeerayey kooxdii Khashoggi ku dishay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Turkiga 2018-kii.

Sidoo kale dadka waxaa ka mid ahaa kuwo ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo hantidooda Uk la fariisiyey, islamarkaana lagu soo rogay xanibaad socdaalka ah.

Waa markii ugu horreysay ee Briatin ay kaligeed cunaqabateyn soo rogto, si ay u ganaaxdo shaqsiyaad iyo ururro lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah bani-aadanimada. Markii hore waxay qeyb ka ahaan jirtay cunaqabateynada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Tallaabooyinka cusub waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda, Dominic Raab oo qoraal u diray baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay hadda yeelan doonto “awoodda ay cunaqabateyn ugu soo rogeyso kuwa ku lugta leh xad-gudubyada bani’aadanimada ee ugu xun dunida oo dhan.

“Cunaqabateynadaani waa ay cilmiyeysan yihiin, waxay noo ogolaanayaan in aan beegsano dambiileyaasha inagoon ciqaabeyn bulshada dhan”

Waxaa uu hadalkiisa ku daray: “Maanta dowladda iyo golahaan waxay magaca dadka Britain ku dirayaan farriin ah in kuwa gacan ku dhiigleyaasha ah, kuwa awooda sida wuxuushnimada leh u adeegsada, kuwa gacanta midig u ah kaligii talisyada in aysan xor u ahaan doonin in ay hanti iibsadaan, in ay ka tukaameystaan Knightsbridge ama in ay lacagta wasaqda ah mariyaan bangiyada Britain ama hay’adaha kale ee maaliyadda.”

Kuwa la begsanayo kaliya ma ‘ahan kuwa ku kacay xad-gudubka bani’aadanka, laakiin waa qof walba ee iyaga ka faa’iiday, ayuu yiri Raab.