Khasaare intee ah ayaa ka dhashay gaarigii maanta lagu rasaaseeyey Sh/Dhexe?

Cadalle (Caasimada Online) – Degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu rasaaseeyay gaari siday dad rakaab ah oo kusii jeeday sida la sheegay Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Gaarigaan oo nuuciisa lagu sheegay baabuurka ay Soomaalida u taqaano Leyla Calaawi ayey kooxo hubeysan oo isbaaro u taallay ku rasaaseeyeen tuulada Bashaqle, waxeyna arintaan timid markii wadaha gaariga iyo kooxaha hubeysan ay murmeen.

Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in wadahii gaariga oo lagu sheegay magaciisa Farxaan Xersi Baseey uu halkaas ku geeriyooday.

Meydka qofka dhintay waxaa la geeyay deegaanka Godinlabe oo la sheegay inuu kasoo jeedo, halka kooxahii falka geystay ay isaga baxsadeen goobta.

Maamulka dagmada Cadalle ayaan wali ka hadlin arintaan, waana mid ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka safarka ah dhibaatada loogu geysto kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.