Olole la rabo in Somaliland lagu aqoonsado oo ka socda baarlamaanka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in booqasho uu ku imaan doono halkaasi ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Todobaad kahor ayaa magaalada Hargeysa waxaa booqday xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Somaliland kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda.

Siyaasigaan ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada gooni isu taaga Somaliland.

Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banana maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah carqaladeynta dadaalada socda ee la isugu soo dhoweynaayo Somalia iyo Somaliland, iyadoo Kenya ay faragelintaan ay wado xadgudub qaawan ku ah madaxbannaanida dalka Somalia.