Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho oo kulamo ka wada HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madax dhaqameedkan oo shalay gaaray caasimadda Somaliland, oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa waxay maanta la kulmeen shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

“Shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta xarunta golaha ku soo dhaweeyey ergada dhaqanka ee ka timiday magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo guurtida booqasho iyo salaan ugu yimiday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray ujeedka ay u socdaan madax dhaqameedka ka tegay magaalada Muqdisho, oo ah sidii xal nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa uga warbixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland, doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood.

Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa sidoo kale waxaa la filaya inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo markii hore diidana imaatinkooda, balse markii dambe ku aqbalay cadaadiska caalamka ay ku saarayaan xiisadda dagaal ee Laascaanood.

Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland.