Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay qoys deganaa xaafada Barwaaqo ee magaalada Berbera.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dhacdadan, halka laba kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada oo hadda lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd haweenay da’ah oo Maamadii guriga aheyd, iyada oo dhaawac culusna uu soo gaadhay gabadh kale, halka inan yarna lasoo bad-baadiyay iyada oo ku neef qabatowday bur-burka.

“Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray saddex qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta,” ayuu yiri mid kamid ah goobjoogayaasha ku sugna guriga dumay oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, kaasi oo sheegay in guriga uu ahaa mid qadiimi ah, ayna ka walaacsanayeen qoyska deganaa inay dhibaato kasoo gaari karto.

Ciidamada dab-damiska gobolka Togdheer oo iyagu gaaray goobta, ayaa u gurmaday qoyska dhibaatadu soo gaadhay iyaga oo gabadha dhimatay marka laga reebo soo badbaadiyay qoyska intii kale.

“Alle ha unaxariistee Gabadh ayaa ku Geeriyootay, halka laba qof oo kalena ciidamada Dabdemisku ka soo badbaadiyeen dhisme ku soo dumay qoyskii degenaa. Shilkan ayaa ka dhacay degmada Daaroole gaar ahaan xaafada Barwaaqo. Ciidamada Booliska magaalada Berbera, dawlada hoose Berbera iyo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkaa gacan weyn ka geystay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ciidamada Dab-damiska Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Dab-damiska “Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxdayna samir iyo iimaan. Alle haw naxariisto.”

Ciidamada Dab-damiska ayaa waxay fariin adag u direen bulshada kala duwan ee reer Somaliland, iyaga oo faray inay ka taxadaraan, islamarkaana dayactiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed, sidoo kale ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan.