Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala uga qeyb-galaya shirka ATMIS oo looga hadlayo xaaladda amaan ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka  Apil ee 2023-ka, sida kal hore lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda.

Shirkan ayaa imanaya ka gadaal markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Uganda u ka codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Kulanka ka dhacaya Kampala ayaa Madaxda waxay qiimeyn ku sameyn doonaan guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) iyo in dib loo eego qorshaha dhimista howl-galkan, iyada oo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee soo baxay sanadkii hore.

Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Shirkan mid hordhac u ah ayaa shalay ka furmay Kampala, kaasi oo looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaas warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirkaas ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, sida qorshuhu yahay howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaaman daba-yaqaadda sanadka 2024-ka, markaas oo la filayo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.