Sawirro: Soomaalidii u horeysay ee laga soo daad-gureeyay SUDAN oo kasoo degay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daad-gureeyay dalka Sudan ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxay dowladdu sheegtay in laga soo daad-gureeyay xadka Sudan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan magaalada Buluja.

Ku-simaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday dalka Koofurta Suudaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo daad-gureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Si kastaba, Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale.