Yaa ka dambeeya mooshinka R/Wasaare Xamza? – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin iyo xog dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinkan lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.

Nabadoon Kacaan oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday xog ku aadan mooshinkaas, cidda ka dambeysa iyo danaha kale ee laga leeyahay.

Kacaan oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheehay in arrintaan ay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada, sidoo kalena ay caqabad ku tahay dagaalka adag ee lagula jiro Shabaab.

“Arrintaan mooshinka ah ee golaha baarlamaanka uu wado waa dhaawac aad iyo aad u weyn si xukuumadda lugaha loo qabto, si ay dowladnimada u shaqeynin, si ay dowladda uga hakato dagaalka ay kula jirto Khawaarijta,” ayuu yiri Nabadoon Kacaan.

Waxaakale oo uu raaciyay “Waxay arrintaan dhaawac ku tahay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed maxaa yeelay dagaal ayuu madaxweynaha u iclaamiyay shacabka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale Nabadoon Kacaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay in mooshinka ay ka dambeyso Puntland, isla-markaama ay taageero ka heleyso xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sida uu ku dooday Nabadoonku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso inay hesho xilka ra’iisul wasaaraha oo ay horay u weysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wato Puntland iyo ragga baarlamaanka taabacsan marka arrintaas waxaa weeye ninka iga rid aniga  aan fuulee” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Nabadoonka.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan bani’aadanimada.