Madax goboleedyada dalka oo la weydiiyey sagaal su’aal oo adag (Akhriso)

“Mukulaal kama xajiso madax dooli, Madaxweyne gobal na kama koro qaraabka beesha caalamka”.

Beesha Caalamka= International Community= المجتمع الدولى waa magac loo adeegsado midawga iyo is raaca dawladaha, shucuubta iyo golayaasha Qaramada Midoobay ama go’aano loo dhanyahay oo kasoo baxay Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysa ama Golaheeda Ammaanka! Lkn Siyaasiyiinta Somaalida ayaa u yaqaan Magac kale sida: markii Siyaasigu uu la kulmo Safiir ka tirsan dawladaha reer galbeedka ama hay’adaha fuliya mashaariicda midawga Yurub! In uu dadka u sheego; waxaan la kulmay Beesha Caalamka? Waxaan ka wada hadlnay Beesha Caalamka? Waxaan ku heshiinay Beesha Caalamka? Waxaan bishaaro ka wadaa Beesha Calamka iwm?

Xarunta Beesha Caalamka ee Siyaasiyiinta Somaaliya ayaa aheed 1960 – 1990 Rooma, 1991 – 2016 Addis Absba, kadib na u wareegtay Abu Dhabai iyo Nairobi, lamana qiyaasi karo goorta ay meel kale u guuri-doonto maadama aan nahay bulsho reer guuraa ah?

Maalmahaan waxaa la hadal hayey qaar ka mid ah Madaxda Gobalada oo kulamo kula qaatay Beesha Caalamka Nairobi iyaga oo ka ashtakoonaya dawladda federaalka!
Xalay ayaan dhageystay Madaxweynha cusub ee Puntland Mudane Saciid Deni war-saxaafadeed uu ku qabtay Garoowe isaga oo ku eedeeyay dawladda federaalka in ay khilaaftay Dastuurka Federaalka, kuna xad gudubtay dawladihii gobalada iyo awood qeybsigii beelaha, loogana yeeray Garoowe si loo xisaabiyo iyo in uu ka qeyb-qaadan-doono xallinta khilaafka Galmudug?

Madaxweynaha Puntland waxaan rabaa in aan weydiiyo su’aalo ah aqoon kororsi kaliya oo aan laheyn ujeedooyin kale;

1. Xamar oo aad ku dhalatay kuna barbaartay, ugana mid noqotay dawladda aad magaca iyo maamuuska ku yeelatay oo aad ku gaartay ilaa musharax Madaxweyne! Maxaad safarkaaga uga bilaabi wayday inta aadan Beesha Caalamka u aadin Abu Dhabai iyo Nairobi?

2. Cumrigaaga Madaxweynaha Puntland waa 3 bil jir kaliya kadib caleema-saarkaagii, bil ka mid ah waxaad ku maqneed Beesha Caalamka, laba bil kale waxaad ku mashquul-naneed dhismaha Xukuumada Puntland iyo Safaradii Qardho iyo Boosaaso! Goormee ogaatay khaladaadka Federaalku galay? Kadib markii la isku cafiyey, bog cusub na la furtay caleema-saarkaagii Garoowe, dhamaadkii Janaayo ee sanadkaan! Mise waxaad raacday File-kii uu ka tegay Madaxweyne Gaas?

3. Safiirada US, UK iyo UAE horay ayaad ugula kulantay Garoowe iyo Boosaaso ee macnaha iyo qiimaha ay u sameynayso reer Puntland in aad kula kulanto Abu Dhabai iyo Nairobi maxay tahay?

4. Dastuurka Qabyada Federaalka waxaa Hooyo u ah Puntland, mana jirto Maxkamad kale oo fasirta! Ee maxaad ku fasiri laheed Qodobka ah; “kulamada Beesha Caalamka waxaa leh kaliya Dawladda Federaalka”?

5. Hal-ku dhega ugu badan ee ay adeegsadaan Madaxda Puntland ayaa ah “dawladaha xubnaha ka ah dawkadda federaalka”! Puntland miyaa xubin ka ah federaalka? Mise federaalka ayaa xubin ka ah Puntland?

6. Awood qeybsiga dawladaha xubnaha ka ah federaalka! Qodob Dastuurka Qabyada ah ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ama beeluhu si siman u qeybsadaan xubnaha Aqalka Sare! Maxaa lagu fasiri karaa qeybta libaax ee ay qaadatay Puntland?

7. Puntland oo diiday bilawgii dhismihii Galmudug, kuna tilmaantay in ay khilaafsantahy Dastuurka Qabyada, kana yartay laba Gobal! Haddii ay hadda rabto in ay wax ka dhisto! Ma Madaxweyne Xaaf oo waqtigiisii dhamaaday ayey wadataa? Mise cid kale? Mise dhihi karnaa faragelintii ay ku eedeysay federaalka ayey iyaduna wadaa?

8. Haddii Madaxweyna Somaaliland uu rabo in uu dadkiisa aqoonsi uga helo Beesha Caalamka! Adiguna aad rabto in aad toos ugu xirto Puntland Beesha Caalamka! Maxaad ku kala duwantihiin?

9. Shirka aad ku baaqday ee Gobalada iyo Federaalka ee Garoowe 2 da May! Sidee ayaad dhex-dhexaad uga noqonee? Kadib markii aad eedeyn usii horumarisay Federaalka?

Dooda su’aalahaan iyo kuwa kale waxa ay fure u yihiin Qaran la wada leeyahay oo ku taagan tiirar adag oo ka duwan kii naga burburay!

W/Q: Dr. Maxamed Gacal 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid