Madax goboleedyada oo Muqdisho ka bilaabay olole cusub iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa joogi doona magaalada Muqdisho inta laga ansixinayo heshiiska siyaasadeedka hannaanka doorashada 2020/21.

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa heshiis ka gaaray xaaladda kala guurka ee dalka, waxaana lasoo wada saaray war-murtiyeed la isku raacsan yahay oo ka kooban 15 qofodb, balse qodob ka mid ah oo ku jiray ayaa qeexaya in la hor geynaayo Golaha Shacabka.

Si heshiiska la wada gaaray uu u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay ineysan soo diidin golaha shacabka, waana sababta ku kaliftay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iney Muqdisho baaqi ku noqdaan.

Ilo madax banaan oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay kulamo la yeelanayaan xildhibaanada kasoo jeeda deegaankooda, waxeyna ka dhaadhicin doonaan sida ay muhiim u tahay iney ansixiyaan sharciga lagu heshiiyay.

Shanta madaxweyne maamul goboleed waxey taageero u raadinayaan heshiiskii ay la galeen dowlada Federaalka.

Madaxda waxey doonayaan iney hubsadaan ansixinta heshiiskii danta umadda loo arkay ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.