Daawo: Axmed Madoobe oo qodobo xasaasi ah ka dalbaday xildhibaanada laga soo doortay Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankaas oo ahaa qado sharaf uu Axmed Madoobe u sameeyey xildhibaanada, ayuu ka jeediyey khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay xildhibaanada inuu soo dhamaaday dagaalkii dheeraa ee isaga iyo dowladda dhexe, isla markaana uusan waxaba u qabin xildhibaanadii uga hiiliyey dowladda federaalka intii ay dagaalka siyaasadeed kula jirtay maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu fahansanyahay in xildhibaanadu ay aad uga walwalayaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen, balse uu kula dardaarmayo inay dalka u turaan oo danahooda gaarka ah aysan wax kasta ku jimeyn.

“War xildhibaanow aan is cafino, saan filaa adinku wax badan iga tirsan meysaan, laakiin aad is leedihiin odaga waad ka hiiliseen oo dagaal dheer ayuu soo galay, balse waxaan idiin sheegayaa hal qof oo aan wax u qabaa ma jirto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulankan xildhibaanada deegaanada maamulkiisa ku metela dowladda dhexe uga dal-baday seddax qodob oo kala ah.

1 –In ra’iisul wasaaraha cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay ay codkooda kalsoonida siiyaan, isla markaana la shaqeeyaan mudada yare uu heysto.

2 –In ay ansixiyaan heshiiska ay ka gaareen nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, maadaama uu yahay xalka ugu dambeeya ee ay isla garteen.

3 –In xildhibaanadu ay ogaadaan in aysan jirin cid wax u qabta oo ay u simanyihiin deegaan doorashadooda, ka maamul ahaana ay soo dhaweyn doonaan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada kula dardaarmay inay ka wada shaqeeyaan sida ugu wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya ay ku sii jiri karto.

Hoos ka Daawo