KHEYRE oo Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas ayaa sheegay in guddoomiyaha uu uga mahad celinayo kaalinta uu ka qaatay xaalada kala guurka ah ee dalku ku jiro.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Kheyre iyo Cabdi Xaashi ayaa isku mowqif ka ahaa maareynta hanaanka doorasho ee Soomaaliya u jaheysaneyso, balse labaduba waxay dagaal siyaasadeed kala kulmeen xafiiska madaxweynaha.

Wada-shaqeynta guddoomiye Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqata mid aan wanaagsaneyn, halka Kheyre uu ku baxay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Khilaafkan ayuu xoogiisu soo bilaawday intii aan la aadin shirarkii Dhuusamareeb ka dhacay, waxayna Kheyre iyo Cabdi Xaashi ka mideysnaayeen in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ka wada tashadaan sidii ay Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd waqtigeeda.

Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanayey in guddiga doorashooyinka loo daayo howshaas si doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabtaan, balse dhawaan ayuu ka tanaasulay taas, isagoo aqbalay in la aado doorasho dadban.