Madax goboleedyada oo sii joogaya Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee hadda ku sugan Dhuusamareeb ayaa sii joogaya gudaha magaaladaasi, iyaga oo weli wada-tashiyo ballaaran oo ku aadan xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

Madaxda maamullada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa illaa & muddo labo cisho sii joogaya Dhuusamareeb, iyaga oo ka qeyb-galaya munaasabadda sanad guurada koowaad ee doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay kulan uu albaabada u xirnaa oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo khilaafka doorashada 2021-ka.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray, sida laga yeelayo dalka, hadii la gaaro 8-da Febraayo oo ah maalinka u dambeysa ee mudo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda maamullada shirarkooda ay kasoo saaraan war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ka wada-hadlayaan iyo waxa ay la tahay xaaladda dalka.

Si kastaba kulamadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii wada-tashiga ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.