Weerar khasaare geystay oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka dagan yahay gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fuliyey rag hubeysan, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale oo shacab ahaa, kuna sugnaa guriga taliyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidan ku sugnaa guriga, waxaana rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray markii dambe u geeriyootay gabar yar oo ka mid aheyd dadka deegaanka oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kal weerarka kadib sameeyey xalay, illaa saaka howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Guriga la weeraray oo ku yaalla kasoo horjeedka garoonka kubadda cagta Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo ayaa xilligaasi waxaa ka maqnaa taliyaha ciidanka Asluubta oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, ahna fadhiga taliska ciidamada Asluubta dalka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ammaanka Baydhabo ayaa ahaa mi deggan, waxaana howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.